by

Welcom to truesomali website


Ciidan taageersan Jaamac Cali jaamac oo ku sii jeeda Garoowe
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka bari ayaa ku waramaya in shalay subax ay ka ambabaxeen magaalada Boosaaso ciidamo taabacsan Col. Jaamac cali Jaamac ayagoo ku sii jeeday dhanka magaalada Garoowe. Ciidamadan oo ku hubeysnaa hubka noociisa culus ayaa u muuqday ciidan dagaal aaday, inkastoo ilaa iyo hadda wax dagaal ah dhicin.

Col. C/llahi Yuusuf ayaa shalay ka baxay magaalada Garoowe ayadoo saraakiil ka tirsan maamulka ay sheegeen in uu kormeer aaday walow aysan sheegin halka uu kormeerka ku aaday.

Sidoo kale, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Jaamac cali Jaamac ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso asagoo sheegay in maamulkii hore ee Puntland ay ku tilmaameen in Puntland ay joogaan argagixiso. wuxuu kaloo yiri “C/llahi Yuusuf wuxuu itoobiya la lahaa xiriir xagga amaanka ah, anaguse waxaan la yeelaneynaa Itoobiyaanka mid bulshadeed, dhaqaale iyo arimo kaleba”

Dhinaca kale, Islaam Maxamed Islaam Muuse ayaa shalay saxaafadda kula hadlay gurigiisa wuxuuna sheegay in madaxweynaha rasmiga ah ee Puntland uu yahay Jaamac Cali Jaamac, wuxuuna beeniyey wararka sheegaya in uu C/llahi Yuusuf la jiro.

Waxaa kaloo la sheegayaa in Magaalada laascaanood uu ku sugan yahay madaxweyne kuxigeenka Puntland isagoo halkaas ka wada abaabul dagaal.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *