by

Voice of somalia


Waxaan salamayaa Tafatiraha Bogan Gor Gor, intaa ka dib aan u dhadhoco qormadeyda

 
Waxaan dhegeystey maanta Calaa Calka Cade Muuse, waxaan ka yaabay odagu sida uu rabo inuu u ooyo hadana
oohintiina ay ka soo bixi l’dahay, waxaa halkaas kaaga soo baxaysa in riyadii ay haysteen u rumoobi weydey markaas
uu is leeyahay bal caalamka u calaa cal bal in ay sheeybka qaxootiga iskaga dhiibay puntlan in ay ka dul qadaan wayo
cade naftiisa ayuu sheeybka uga baqayaa, horuu u soo arkay isagoo cade sidiisa oo kale Burco Qaxootinimo iskaga
dhiibay, marka hada wuxuu taagan yahay allow mar kaa kaxee, oo shartiisa ku dhaafi, waxa taa ka sii daran dadkii
musharixiinta ahaa ayaga naftooda waa ka ducey sanayaan waayo wuxuu ula tegay dabkii xamar danbaskiisii oo wuxu
ka dhax abuurey durbaba is qab qabsi, musharixiintii, oo muran ayaa hadaba ka taagan, waa ninmeeshii uu is taago iska
qarxeyso waayo wa balaayo abuur, baas sheeg, hada asagu waa ka baqayaa inuu hadlo oo uu dhaho shirka jabuuti ma jiro
waayo wuxuu ogyahay in la cuna qabteynayo balse hada cade ayuu cuna qabteyntii dusha u sarey, waayo asgaa hadlay
bal khayaamadaa daye sida uu jarta uga booday oday cade oo aan ka fiirsan ayaa afka iska furtey oo qoraalkii loo soo
dhiibay la yiri akhri oo tus Unta inaan tol leeyahay, oo puntlana ay ka badan tahay soomali inteeda kale taas oo ay og
yihiin Qaramada Midoobay inta ay soomaliya ka kooban tahay iyo inta gobol oo ay ka qeyb santo, markaasuu cade oo
jilbo hayso faankana ku caana cida uu yahay ayaa isku dayey inuu faano markaasuu faan beena sheegay oo yiri samaliya
marka sadex loo dhigo meel waa puntlan, bal caqligaa eega ma qariidada soomaliya ayuusan aqoon mise waagii talyaaniga
ayuu ogaa soomaliya iney ahayd cadow ma talyanigaa dhegta idiin ku sheegay beentaas dadku waa is yaqaanaan sida loo
dego iyo inta gobol ee aan ka koobanahay, maskaxdaad ama aan iraahdo maskaxdiina ayaa weli waxaa ku qufulan wakhtigii
talyaani dalka gumeysan yey, balse waxaa ka soo wareegtay wakhtigaa kugu buuxda sodon iyo sideed sano oo ilmihii
wagaa dhahay ayaaba bil ka dib gelaaya sodon iyo sagaal hadaanba afartan aysan ahayn, waa nasiib daro in aad iska hadasho.
 
Gobolada Soomaliya waxay ka koobmaan Sideed iyo Toban Gobol, cade wuxuu maamulaana waa Boosaaso Garoowe iyo Mudug
oo weliba kala baran, oo Gal Mudug ayaaba jirta haduuba Galkacyo ha haysto Nus oo Koonfrta reero degaan maxaad cadow shegta
maxaad ku faantaa shan iyo tobanka kale soow ma ogid in ay beelo soomaliyeed degaan waaba hadaad og tahay, weliba nuska
kaama goyn hadaan kaa gooro laba iyo bar ayaad degtaa oo aad maamushaa, marka waxaadan garaneyn inaad saxaafad la soo is
taagto maaha ee waxaa kuu fiicneys inaad tiraahdo, war aan heshisiiyo Nuur Cade iyo Sheebka si aad adna gobolada ugu madax
banaanatid oo uu sheeybku culeyska kaa qaado, cadow weli kamaadan hadlin xasuuqa uu sheeybka ka geystey Mudisho dadka
barakacay dhibta aan la soo koobi karin ee ku dhacdey dadkii islahaa madaxweyne ha noqdo, oo weliba codkooda siiyey, welina
uu xasuuqa ku wadey , hadana uuba ugu sii ciil qabo in ay nool yihiin oo ay ka bad baadeen wixii uu la damacsanaa, idinkuna
waad la ogeydeen oo waad ugu habal yeeyneyseen maalintuu  xasuuq geystaba, marka maanta waxaa kaa hadlisiiyey maxay
tahay sow qabyaalad maaha, sow cadaawad fog maaha oo idinku wada aasan, waxaa la yiri labadii xaqdaro ku heshiisa waxay
ku dagaalaan xaqa maanta tii ayey taagan tahay ee calaacalka iska daa, calool xumo hays gelin horaa dadka muqdisho u soo
calool xumaadeen Illahayna waxaan ka baryenaa inuusan sheebku nagu soo noqon labadaan maalmood waa laga reystey dadku
waa degeen, shirka Jabuuti lagu soo saxiixdeyna waa danta dhibanayaasha, intii ay khuseyso ayaa taagerona ugu filan ee idinka
cid nagu taageera idin dhahaysa maba jirto idinkaa iska hadlay, hadaad ku goodiseen dagaal baa dib loogu noqonayaa anaguna
waxaan ku leenahay dagaal waan ka gudubnay ee aduunkaan rabanaa inaa wax la qeybsano, horumarka dunidu gaartey ayaan
rabnaa inaan tiigsano, cadowga umada nabada jeclena waxaan leenahay ha dhacaan cagta hoosteeda allow geli oo naga qabo
waxaan warkeyga ku soo gaba gabeynayaa, SAMA DIIDOOW DEBIN BAA KUU DHIGAN LAGU DILI DOONOOW, DANEYSTOO DUGAAGU
WAA DAL DELAAD AAN DACWO LAHAYN, NINKII ISKU DEYA INUU NABADA DIIDO MEESHII SADAAM MAREY AYUU MARYAA, OO
XASUUQII UMADA WAXBA AAN SAMAYN GURYAHOODA LAGU DHEH XASUUQAY DUULAANKA PUNTLAN LOOGA SOO QAADEY INAAD
FALAARTA KU SII GIL GISHAAN WAA IDINKA DIIDEEN DANTOODEYNA RAACAYAA IDINKANA BOOS IDIINKAMA BANAANA EE OGOW
 
                      KA NAXOOW NAFTA WAA NACABKOOW KU SAMIR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *